Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Shirka Banbaxa ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo xasaasi oo ay ka mid aheyd Doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha  Xukuumadda  hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin”  ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo  in si miisaan leh  u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda  shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...