Saturday, June 13, 2026
26 C
Mogadishu

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab +(Magaca)

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeelada hoose ayay ku dileen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka iyo toban dagaallame oo la socday.

Ciidanka kumaandooska ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen  guri ku yaala degmada Sablaale, islamarkaana halkaasi ku toogtay sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Sarkaalka ay dileen ciidanka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) kaasi oo Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan wilaayaadka Jubbooyinka ama gobollada Jubbooyinka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya.

“Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday‘‘, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada DANAB.

Si kastaba, kumaandooska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanaayo Saraakiisha  iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...