Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Muxuu isku casilay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Waare?

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynihii dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Waare ayuu ku shaaciyay is casilaadiisa, isagoona qiil u yeelay tallaabada uu xilka isaga casilay.

War qoraalka ayaa marka hore looga waramay aasaaskii Hirshabeelle, oo dhismaheedii loo maray sifo khaldan, xilli dalka uu ku jiray doorashada federaalka, haatana in dhismaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle uu ku soo aaday, iyadoo dalka uu wajahayo marxalad doorasho.

Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada Hirshabelle, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo midda qaranka, si wadatashi mug leh looga yeesho dhismaha Hirshabeelle-da cusub, lana saxo khaladaadkii hore, si doorashadu u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Waare ayaa nasiib darro ah ku tilmaamay in qanac laga muujiyo dhabaha lagu wado dhismaha Hirshabeelle, isagoona Dowladda Federaalka, Xildhibaanada Hirshabeelle ku metela Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradkaba ku dhaliilay inay ka hadli waayeen wadada ay ku socoto doorashada Hirshabeelle, islamarkaana ay u arkaan mid tub toosan ku socoto.

Halka hoose ka akhriso qoraalka Madaxweyne Waare uu isku casilay:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...