Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

GALMUDUG oo taageero waydiisatay Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Axmed Macalin Fiqi, wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, oo uu wehlinayay Wasiirka Qorsheynta maamulkaas ayaa Xarunta Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xubnaha ay la kulmeen oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa Waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.

”Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowayneysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aas’aaseyso‘‘, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay qorsheyneysaa dhismaha Ciidamo Boolis u gaar ah, iyada oo dhawaan ay ansixiyeen Sharciga lagu dhisi lahaa Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...