Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Mas‘uuliyiitan ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka oo aan weli heshiis laga gaarin, balse loo balansan yahay in go’aan looga gaaro shirka ka furmaayo Magalada Dhuusamareeb.
Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in labada mas’uul ay si weyn uga hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya gobolada Waqooyi.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay qoraal uu u diray Madaxweynaha Galmudug, waxaa uu ogeeysiiyay in uu tegaya Dhuusamareeb si u shirka uga qeybgalyo.
Balse Warar ayaa sheegaya, in aan la siin wax jawaab ah maadaama aan lagu casuumin Shirka Dhuusamareeb ka furmaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





