Hargeysa (Halqaran.com) – Taiwan ayaa billaabaysaa barnaamij ay Somaliland kaga caawinayso kor u qaadidda wax soosaarka beeraha.
Wasaaradda beeraha Somaliland iyo madaxda safaaradda Taiwan ay ku leedahay magaalada Hargeysa oo wadajir u shaaciyay barnaamijkan ayaa sheegay in beeralayda Somaliland lagu barayo sida dhul kooban loogu beeri karo wax badan.
Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland Rooble Cabdi Muuse oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay, in barnaamijkan uu kamid yahay mashruucyo dhowr ah ay Taiwan ka hirgelineyso Somaliland si loo horumariyo kobcinta iyo wax soo saarka beeraha.
Rooble Cabdi Muuse ayaa sheegay, in mashruucan uu yahay mid loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradduna ay dhankeeda wax uga dareyso, balse Taiwan ay inta kale la imaaneyso.
‘‘Wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland Rooble.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay, in Taiwan ay Somaliland ka sameyn doonto beer, taasi oo uu sheegay, in ay u adeegi doonto hab soo bandhigeed, iyagoo adeegsanaya habab casri ah oo dhul yar wax ka badan ka soo saari doono.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





