
Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 3 Bisha May oo ku beegan Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, kuwaas oo uu sheegay inay ku Shaqeeyaan duruufo adag.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in maalintaan uu xasuusinayo suxufiyiintii noloshooda u huray gudashada shaqadooda, sidoo kale kuwii halis u galay ee loo xiray, loona jirdiley xirfaddooda.
Wuxuuna ku boorriyey dowladda dhexe iyo maamullada kale ee dalka in la sii daayo dhammaan suxufiyiinta mihnaddooda u xiran.
Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn, sheegay in Xoriyadda saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqda suxufiga ay kamid tahay tiirarka dawlad wanaagga, oo uu dhigayo dastuurka kumeel-gaarka ah, waajib dastuuri ahna siinaya ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadda guud ee muwaadinka si gaar ah suxufiyiinta iyo saxaafadda.
DF Soomaaliya ayaa haatan waxaa u xiran Wariyeyaal uu kamid yahay Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja, sidoo kale Hay’adda NISA ay farriin hanjabaad ah u dirtay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga kuna sugan dalka Mareykanka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





