Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidamada DF Somaliya oo soo qabtay nin miino aasayay

Janaale (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo miina baaris ah waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen Nin dhalinyaro ah oo miino ku Aasayay Wadada soo gasha deegaanka Janaale.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in Shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamada Ciidamada, isla markaana uu Aasayay miino uu doonayay in uu dadka ku dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo markii ciidanka Millateriga Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan, iyada oo dhowr jeer qaraxyo lala beegsaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...