Monday, February 9, 2026
24 C
Mogadishu

Shariif Xasan Sh. Aadan: ‘‘Dad ay carruur ku jiraan ayaa lagu dilay qaraxyadii Wanlaweyn‘‘

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka hadlay qaraxyadii mataanaha ahaa ee xalay ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa cambaareeyay falkaasi, oo uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, isagoo dhanka kalana kaga tacsiyadeeyay qoysaska ku waayay kuwii ay jeclaayeen.

“Waxaan cambaareynaya, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee kooxda argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada Hoose.” Ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran ayaa sheegay in uu xogta ku hayo in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan, oo buu yiri carruur u badan.

“Waxaa la ii sheegay in ay ku naf waayeen dad aan waxba galabsan oo carruur u badan. Waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay qaraxyadaasi, isla-markaana ay sharciga horkeenaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wanlaweyn, Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sheegay in qaraxyada kadib baaritaano ay sameeyeen inay ku soo qab qabteen xubno lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Maxamed Cabdulle Xasan oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in ay haataan ku hawlan yihiin baaritaanka xubnahaasi, wixii natiijo ahna ay dib Warbaahinta ugala soo wadaagi doonaan.

Ugu dambeyn, ilaa iyo ma jirto cid sheegatay masuuliyadda labadaasi qarax, walow qaraxyada noocaan oo kale ah ay inta badan geystaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...