Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Trump oo Soomaaliya ku sheegay inaysan wax dowlad ah ka jirin!

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo khudbad ka jeediyay bannaanbax lagu taageerayay Ololihiisa Dib u doorashada Madaxtinimada Maraykanka, kaas oo ka dhacay magaaladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma ayaa ka hadlay arrimo kamid ah xaalada dalka Soomaaliya.

Trump ayaa eedeyn kulul waxaa uu marka hore u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu sheegya inay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay kasoo qaxday ee Soomaaliya.

Madaxweyne Trump waxa uu Khudbadiisa ku soo hadal qaaday inay Ilhan Cumar doonayso inay galangal badan ku yeelato Dowladda Joe Biden oo ah Murashax Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka Madaxtinimada kula tartami doono Trump.

Mar uu ka hadlayay Trump arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ilhan Cumar waxaa ay dooneysaa inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis kama jiro, nabad kama jirto, balse waxaa kaliya kajira amar la’aan iyo jahwareer, waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Si kastaba, hadalka eedeynta ah uu Madaxweynaha Mareykanka uu u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa waxaa ay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeyay labada mas’uul, iyada oo horay uu uga dhex-jiray dagaal dhinaca Twitter-ka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...