Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF Somaliya oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Militariga Soomaaliya, waxaana darajadiisa aheyd laba Xidigle sida saraakiisha Booliska qaarkood xaqiijiyeen.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cali Raage Maxamuud, waxaana uu u dhintay rasaas dableyda ay ku fureen.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeenley ayaa goobta ka soo qaaday maydka Marxuumka, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkaan, waxaana ay sheegeen amniyaadkooda inay beegsadeen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Sidoo kale, Al-Shabaab ay sheegtay in Askari kale ay ku dileen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...