Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo xukun ku fulisay laba nin oo kufsi ka geystay Galhareeri

Galgaduud (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud waxaa ay gelinkii dambe ee Jimcihii xukun kula fuliyeen laba nin, oo ay ku eedeeyeen fal kufsi ah.

Eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Salaad Cabdi iyo Maxamed Yuusuf Maxamed ayay Maxkamadda Al-Shabaab ku eedeysay inay duleedka Galhareeri ku kufsadeen gabar.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa boqolaal ka mida dadweynaha reer Galhareeri ka hor akhriyay labadaasi nin oo dhalinyaro ah, oo aan horey wax guur ahi u soo marin inay maxkamadda ka hor qirteen dacwaddii lagu soo oogay.

Qaadiga ayaa sheegay in Maxkamadda Al-Shabaab ku xukuntay in mid walba lagu dhufto boqol jeedal oo karbaash ah, islamarkaana mid kasta laga qaaday meherkii gabadhii lagu xadgudbay, oo uu ku sheegay min 14 neef oo ari’.

Sidoo kale, waxaa kaloo uu sheegay in labadaasi nin in muddo sanad ahi laga musaafuriyay deegaanka Galhareeri.

Labadii bilood ee ugu dambeysay ayay Shabaabka kordhiyeen xukunada ay ka fulinayan fagaareyaasha ku yaala deegaanada ay ka arrimiyan, xilli mudadaasi ay xukuno kala duwan ku fuliyeen dad ay arrimo kala duwan ku soo eedeeyeen.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dhaliilaa in eedeysane-yaasha iska xukumaan, iyadoo aysan jirin amaba u qaban qareeno difaaca.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...