Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboledka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Taliyeyaasha Ciidanka sida qeybta 27aad Taliyaha Guutada ee Milateriga iyo Taliyaha qeybta Booliska inay ku baxaan deegaankii saaka maleeshiyaadka hubeysnaa ku dileen Macalimiin Dugsi Qur’aan ah oo hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolkaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay, guddoomiyaha Gobolka iyo taliyeyaasha Ciidamada ayuu ku amray inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Macalimiinta si caddaaladda loo marsiiyo.
”Waxaan u tacsiyadeynayaa Ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle, waxaana amrayaa guddoomiyaha Gobolka iyo taliyeyaasha Ciidamada in dadka dilka geystay si deg deg ah loo soo qabto‘‘, ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Wararka ayaa sheegaya, in Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ay u ambabaxeen deegaankii dadka lagu laayay oo u dhaxeeya degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ugu dambeyn, Falka argagaxa leh ee subaxa Khamiista maanta ah ka dhacay deegaanka Raage Geelle ayaa la sheegay inay salka ku heyso aano qabiil.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





