Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo warramayaa in uu maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kaas oo ka amababaxay Magaalada Muqdisho.
Waxaa la xaqiijiyay in uu hal ruux uu ku dhintay qaraxaasi, halka laba ruux oo kale ay ku dhaawacmeen. Dadkaasi ayaa isugu jira Askar iyo dad shacab, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Ciidamada dowladda oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa joojiyay muddo kooban isu socodka dadka iyo gaadiidka u dhaxeeya deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Muqdisho, iyadoo markii dambe dib loo furay.
Inta u dhaxeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo miino lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa DF Somaliya iyo AMISOM, kuwaasi inta badan sababa khasaaro xooggan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





