Safiirrada Soomaaliya iyo Norway ee dalka Sudan oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Khartoum (Halqaran.com) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan, Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khartoum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Sudan, Mrs Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

War qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan, ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Sudan Mrs Therese Loken Gheil.

“Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Sudan, Therese Loken Gheil, waxaana ku faraxsanahay in ay soo booqato safaaradda Soomaaliya ee Sudan, waxaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dowladda Norway ayaa kamid ah dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com