Hiiraan (Halqaran.com) – Maxkamadda Ururka Al-Shabaab ee ku taalla CeelCali ee gobolka Hiiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay nin ay ku eedeysay inuu dil ka geystay deegaan hoos yimaada deegaankaasi, kaddib markii uu dilay nin kale.
Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaan uu qirtay falka lagu soo eedeeyay, islamarkaana xukunkiisa uu noqday dil.
Maxkamadda Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku ridday Xasan Aadan Cali oo 44 sana jir ah kaas oo horay si bareer ah ugu dilay Xasan Cismaan Ibraahim, sida ay sheegtay Maxkamadu Al-Shabaab.
Goobta xukunkan uu ka dhacay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.
Si kastaba ha’ahaatee, xukunnada noocaan oo kale ah ayeey Al-Shabaab ka fuliyaan Gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka ay joogaan, iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinayo inuu sameeyay qiraal, walow aysan jirin wax caddeymo ah oo ay soo bandhigeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com