Friday, May 15, 2026
27.7 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Xal laga gaaray shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen Shirkadaha Diyaaradaha?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xal laga gaaray shaqo joojin ay maanta ku dhawaaqeen Shirkaddaha diyaaradaha ee howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shaqo joojinta ayaa timid, kadib markii diyaarad aadi rabtay degmada Dollow ee Gedo Ciidanka NISA ay ka joojiyeen Shaqada.

Shir u bilowday Mas’uuliyiinta Garoonka iyo Shirkaddaha ayaa lagu guuleystay in xal buuxa laga gaaro, iyadoo hada shaqadii Garoonka uu dib u bilowday.

Boqolaal rakaab ah oo ku xayirnaa Garoonka ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay ka dhoofaan garoonka.

Sidoo kale, waxaa Shirkaddaha diyaaradaha ay soo gudbiyeen cabashooyin dhowr oo ka dhan ah taliska NISA ee garoonka, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah wax looga qabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...