Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Taliyaha qaybta 4-aad ee ciidamada AMISOM Col. Cabdiraxmaan Riyaale Xareed oo Talaadadii maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa kulan looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Gen. C/Casiis C/laahi Qooje.
Kulankan oo diirada lagu saarey howlgalada Al-Shabaab looga xorraynayo deegaannada Galmudug ayuu taliska 21-aad uga mahad celiyay Ciidanka Jabuuti doorka ay ku leeyihiin howlaha socda.
Sidoo kale waxaa la isla eegay sida ugu habboon ee howlgallada loo balaarin karayo, si Al-Shabaab looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibta ku hayeen wax ka badan 10-sano.
Ugu dambeyn, taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Qooje dagaari ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





