Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo maanta tegay Hargeysa xilli ay jirto xiisadii Taiwan

Hargeysa (Halqaran.com) – Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa Sabtidii maanta gaaray Magaalada Hargeysa, wuxuuna halkaasi kulamo kula leeyahay Madaxda Somaliland.

Socdaalka Safiirka Shiinaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxay la xiriirtaa xiriirka Somaliland iyo Taiwan, taasoo ay si weyn uga soo horjeedo Xukuumadda Beijing.

Safaaradda Shiinaha ee Magaalada Muqdisho ayaa 2-dii bishii hore ee Luulyo ka hortimid xiriirka iskaashiga ku dhisan, ee ay Somaliland la yeelatay Maamulka Taipei.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb ka mida dhulweynaha Shiinaha, isla-markaana aanu aqbali karin in dalkiisa la kala qaybiyo.

Tallaabada ay Somaliland qaaday ayaa lagu macneeyay mid aad u dhiiran, oo ay Somaliland horey uga sii baaraan-degtay wax kasta oo kaga imaan kara Shiinaha.

Khubarada ayaa sheegaya inaanu Shiinuhu fududeysan amaba sahashan arrimaha Taiwan, isla-markaana uu horaan u cadaadiyay wadamo badan oo xiriir iskaashi la yeeshay Taiwan, kuna khasbay in ay dib uga laabtaan.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga hortimid in xiriir lala yeesho Taiwan, haddii aan xiriirkaasi loo soo marin Xukuumadda Beijing, waana sababta uu xilligan u diidan yahay xiriirka Somaliland la yeelatay Taiwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...