Thursday, August 27, 2026
25.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle oo xilalkii ka qaaday wasiirro, kuwa cusubna magacaabay

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilkii ka qaaday Wasiirkii biyaha Iyo Tamarta Hirshabelle Mudane Saalax Maxamed Xasan, waxaana xilkaasi Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta loo magacaabay Xildhibaan Shucayb Abdikarim.

Wareegtada xil ka qaadista Madaxweynaha uu soo saaray, ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle, waxaana loo Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta isbedelkaan xilligan keentay.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa inta badan Golaha Wasiirada Maamulkiisa ka soo buuxiyay Xildhibaanada Hirshabelle oo xilalka Wasaaradaha uu ku taxay.

Halka hoose ka akhriso Wareegtada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...