Thursday, April 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay

Nairobi (Halqaran.com) – Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Isniintii maanta dib loo furay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhawaan amartay in diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha ku sugan safaaradda ay dalka dib ugu soo noqdaan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda oo uu horkacayo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inay soo gaareen Magaalada muqdisho.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Amar uu ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo ahaa in muddo 7 cisho gudahood ku soo galaan gudaha dalka, xubnaha ka howlgalayay Safaaradda ee maanta dib ugu soo laabtay dalka Kenya , kuwaas oo gaaraya 17 xubnood.

17-kii Bishaan ayaa mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay ku dhawaaqeen in la hakiyay Shaqooyinkii ay qaban jireen, waxana xilligaasi wixii ka dambeeyay ay wadeen diblumaasiyiinta & Shaqaalaha Safaaradda sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Xeerka heshiiska diblumaasiyadda Caalamiga ee Viena Convention ee sanadkii 1961 ayaa wuxuu dhigaya haddii aad xiriirka u jartid ama xiriirka kaala ka dhaxeeeya uu burburo dal aad Safaarad ku leedahay dhismaha Safaaradda iyo hantida dhex taal in loo wakiisho dalka siyaasad ahaan aad isugu dhow dihiin, hayeeshee dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin dalka ay u wakiilatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...