Jabuuti (Halqaran.com) – Waxaa haatan kulan ay albaabada u xiran yihiin leh magaalada Jabuuti ku leh madaxda urur goboleedka IGAD, halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool u ah dadka gobolka.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirkaas ka hadashay ayaa soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in si deg-deg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taas oo sababay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codaso urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiirigeliyeen.” Ayuu yiri Moussa.
Shirka waxa uu imanayaa xilli Soomaaliya ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedaysay inay faragelinaysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya eeddaasi gaashaanka ayey u daruurtay.
Kulankana waxaa labada dal uga qeybgalaya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo arrimaha diiradda shirkaas lagu saari doonaan ay k amid tahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





