Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee BF Somaliya oo Hargeysa ka degay

Hargeysa (Halqaran.com) – Senator ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolada waqooyi oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Qodax ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Dhalinyaro taageersan iyo qaar kamid ah ehelkiisa, isaga oo faah faahin ka bixiyay sababaha uu uga laabtay fikirkiisii ku saabsanaa midnimada Soomaaliya iyo Somaliland.

Mustafe Qodax ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in muddo afar sano iyo bil uu ka maqnaa Magaalada Hargeysa uu dib ugu soo laabto, isaga oo u mahadceliyay qof walba oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in muddo bil ah ka hor uu iska casilay xubinimadii Aqalka Sare, xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Xarabta, islamarkaana uu cafis ka dalbaday madaxda Somaliland lagana aqbalay.

Mustafe Qodax ayaa xilka guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu kula tartamay guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hor inta uusan kamid noqon siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee xilalka u soo doonta Soomaaliya uu ahaa Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, sidoo kale uu mar noqday Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee, waxaa horay xubno ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwo xilal sare ka qabtay dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeday gobolada Waqooyi ee Somaliland ay dib ugu laabteen Hargeysa, waxaana kamid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...