Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Sadiq Khan oo mar kale loo doortay duqa magaalada London

London (Halqaran.com) – Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, kaddib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservativeka.

Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbeed ah ayaa ku guuleystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey.

“Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida” ayuu yiri Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono ololaha shaqo abuurista magaalada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal milyan oo qof.

Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceeyay ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Ra’iisul Wasaareyaashii xisbiga talada haya Boris Johnson, Teresa May iyo David Cameron, iyadoo sidoo kale ay Khan foodda is dareen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Sadiq Khan iyo Trump waxaa dhexmaray dagaal adag oo dhanka hadalka ah, kaddib markii Khan uu dhaliilay xayiraaddii muranka badan dhalisay ee Trump uu saaray dalal ka soo jeeda dunida Muslimka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...