Garasbaaley (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay derbi ku soo dumay qoys barakacyaal ah oo ku noolaa deegaanka Garasbaaley ee koonfurta magaalada Muqdisho.
Qoyska oo ka koobnaa hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay iyo cunug kale oo la joogay ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen halkaas, kadib markii uu ku soo dumay derbi weyn oo ay ka hoos dhisteen guri cooshado ka sameysan.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in hooyadaas, carruurteedii iyo cunugii kale ee la joogay uu derbigu ku fariistay oo halkaas ay ku geeriyoodeen, iyadoo gurmadkii loo fidiyey aan lagu guuleysan in la badbaadiyo.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ugu yaraan afar qof oo kale oo deris la ahaa reerkan ay dhaawacyo ka soo gaareen derbiga soo dumay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





