Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

RW Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay Shirka Amniga ee Dhuusamareeb, Maxaase ka soo baxay?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kaddib markii amniga magaalada Dhuusamareeb ay la wareegeen ciidamo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada lagu qabtay kulan looga hadlay amniga, kulankaa oo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Ajandayaasha shirka looga hadlay ayaa ahaa qorshaha sugidda amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, diyaar garowga sugidda amniga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, Amniga garoonka diyaaraha Dhuusamareeb iyo sidoo kale dardargelinta qorshaha xoraynta deegannada Galmudug ee ay Al-Shabaab kaga suganyihiin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hay’adaha ku shaqada leh amniga faray in iyaga oo wadajira ay kalsoonida bulsahda sare u qaadaan, sida ugu habboonna uga soo baxaan mas’uuliyadda weyn ee loo dhiibay si ay guul ugu dhammaadaan qorshaha lagu dhisayo hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Amniga Dhuusamareeb ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya, iyadoo magaaladu ay isu diyaarineyso martigalinta shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka GalMudug, si ugu dambeyn loo suura galiyo doorasho madaxtinimo oo halkaas ka dhacda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...