Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Shirkadda Air Uganda oo duullimaadyo toos ah ka billaabaysa Muqdisho iyo Kampala

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadda duullimaadyada Air Uganda ayaa sheegtay in ay duullimaadyo toos ah ka billaabeyso caasimadda Muqdisho dabayaaqada bishan.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in shirkaddu go’aamisay in 28-ka August ay si rasmi ah u billaaban doonaan duullimaadyo toos ah oo isku xira Muqdisho iyo Kampala.

Sidoo kale, Air Uganda ayaa sheegtay in qiimaha tikityada sii socod iyo soo socd uu noqonayo 590 doollar.

Qoraalka ka soo baxay shirkadda ayaa sidoo kale lagu xusay in ay billaabeyso duullimaadyo dhowr ah oo ay ku tagayso Nairobi, Juba iyo Dar-es salaam.

Madaxa xafiiska suuq geynta iyo xariirka macaamiisha u qaabilsan Air Uganda Jennifer Bamuturaki Musiime, ayaa tilmaantay in ay garoomada diyaaradaha qaar ay ka ka hir geliyeen xafiisyo ay macaamiishu ka gadan karaan tigidhada iyo sidoo kalena ay bar internet-ka ah oo si online ah loogu iibiyo tikidyada.

Shirkadda Air Uganda ayaa dhowaan qaban doonta munaasabad ay ku daah fureyso laba dayuuradood oo cusub oo ay dhowaan soo iibsatay kuwaas oo ay ku dardar gelinayso duullimaadyadeeda ganacsiga.

Air Uganda ayaa ayaa sanado ka hor billowday duullimaadyada tooska ah ee ay Muqdisho ku imaato walow sanadihii dambe ay duullimaadyadaasi hakad galeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...