Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Isniintii maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda iyo adeegyada muhiimka ah ee maamulku u hayo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.
RW Xamse ayaa qeybaha kala duwan ee xarunta dowladda hoose kormeer guud ku sameeyay, wuxuuna warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha.
Mr Barre ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha in ay dardar-geliyaan adeegyada mudnaanta u leh bulshada ku dhaqan caasimadda iyo hirgelinta hannaan ku dhisan maamul wanaag, kuwaasi oo kalsooni galinaya shacabka mas’uuliyada loo hayo.
RW Xamse Cabdi Barre oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubnaha kale ee maamulka ayaa tillaamay doorka kaga aaddan iyo ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo addeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo sugidda amniga caasimadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





