Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Maxaa ka jir in 15 Tahriibayaal ah lagu gubay Xeeb ku taalla dalka Liibiya?

Liibiya (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta dalka Liibiya in baaritaan sax ah lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo magafayaal ah.

Waxaa sanadihii la soo dhaafay dalka Liibiya marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xukuumadda Liibiya inay baaritaan ku samayso falkaas, ayna sharciga la tiigsato kuwa ka dambeeyay.

Warbaahinta Liibiya ayaa ku warramaysa in kadib muran dhexmaray laba koox oo magafayaal ah ay mid kamid ah toogatay dadkaas tahriibiyay, kadibna ay doonta ku gubtay.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Afrikaan ka yimid Koonfurta qaaradda.

Weli waxaa xooggan dowrka tahriibinta ee ay leeyihiin magafayaasha ka shaqeysta magaalada galbeedka Liibiya ku taalla ee Sabratha oo qiyaastii 300 KM u jirta jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Ugu dambeyn, hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa marar badan tabiyay in kooxahaas ay qaab bani’aadannimada ka baxsan ay ula dhaqmaan dadka doonaya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...