Sunday, July 12, 2026
25.1 C
Mogadishu

Puntland oo billowday heshiisiinta beello ku dagaallamay gobollada Nugaal iyo Sool

Garoowe (Halqaran.com) – Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa Isniintii maanta ka furmay shir lagu dhameystirayo colaaddii ka dhacday deegaannada Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool.

Shirkan oo qaban qaabadiisa uu leeyahay maamulka Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ah min 21 xubnood oo ka kala socda dhinacyadii colaaddu dhexmartay, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad goboleedka Puntland oo shirka ka qeyb galay ayaa dhinacyada ugu baaqay inay dhaqan geliyaan go’aannada shirka kasoo baaya, si loo soo afjaro colaadda labada Beelood oo ah mid soo laab laabatay.

Horay ayaa waxaa shirkaan shirar la mid ah waxaa loogu qabtay deegaannadii lagu dagaallamay ee Saax-maygaag iyo Senge-jebiye , kuwaas oo laga soo saaray go’aanno keenay in dagaalkii u dhaxeeyay labada maleeshiyo Beeleed uu joogsado.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...