Tuesday, January 20, 2026
25.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo shir guddoomiyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir guddoomiyay kulankiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada uga mahadceliyay, sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xafiiska joogay, isagoona kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisal Wasaaraha cusub.

“Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada ugu mahadceliyay, sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisal Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...