Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Puntland: Maxkamad ku xukuntay Dil toogasho Shan Nin oo Shabaabnimo lagu helay

Boosaaso (Halqaran.com) – Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida & Dembiyada Culus ee Shanta Gobol ayaa Talaadadii maanta xukun dil ah ku xukuntay shan nin, oo lagu eedeeyay in dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada horkeenay afar ka mida ah shanta nin ee la soo eedeeyay, iyadoo maxkamadeyntuna ay ka dhacday Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa raggaasi ku soo eedeeyay in dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen magaalada, iyagoo shan nin ah, ayna hay’adaha amniga ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan afarta nin ee maanta la hayo.

Guddoonka Maxkamadda, Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdille ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda oo ah dil toogasho.

Shanta nin ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah:-

Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor, oo maqane ah
Jaamac Aadan Tusbaxle
Ayuub Cumar Shire
Cabdullaahi Salaad Boos
Maxamed Abshir Muuse

Ugu dambeyn, Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdille ayaa sheegay in xukunsaneyaasha ay haystaan muddo bil ah oo rafcaan kaga qaadan karaan xukunkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...