Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Soomaaliya oo markale ka qeyb-gashay munaasabadda xuska dhaqanka dalalka Geeska Afrika +SAWIRRO

Addis Ababa (Halqaran.com) – Munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo toddobaadkii lasoo dhaafay ka socotay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana si rasmi ah uga qayb galay mar kale Diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia, iyagoo si rasmi ah u metelayay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa kooxda Anshax Band oo kamid ah kooxaha Fanka iyo Wacyigelinta bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo soo bandhigay dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta kala duwan ee u gaarka ah bulshooyinka Soomaaliyeed.

Intii ay munaasabaddu socotay Soomaaliya waxa ay muujisay metelaad dhab ah, waxaana arrimahaas si weyn uga shaqeeyey Diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyagoo si buuxda u kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa muddadii ay munaasabaddu socotay waxay muujiyeen daddaal dhab ah oo salka ku haya adkaynta iyo muujinta dhaqanka, fanka iyo farshaxanka gaarka u ah Soomaaliya, waxayna kor u qaadeen awoodda ay leedahay Qaranimada Soomaaliya.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen Atam oo Warbaahinta dowladda u sheegay in natiijo wanaagsan ay Soomaliya ka dhaxashay ka qayb galka Munaasabadda Xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo lagu soo afmeeray caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Isku soo wada duub, ka qayb galka Soomaaliya ee munaasabadan ayaa fasiraad rasmi ah ka bixinaysa daddaalka ay madaxda kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gelinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa sumcadda iyo awoodda Qarankeennu ku leeyahay Africa iyo caalamka intiisa kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...