Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan dar-dargelin ah la qaatay hoggaanka maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir  in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii xiliyadan ka da’ayay magaalada oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka iyo bilicda Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga Caasimadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo tilmaamay mudnaanta uu amnigu u leeyahay bulshada ayaa ku booriyey maamulka Gobolka in dib u habeyn lagu sameeyo leyrarka waddooyinka, si aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...