Tuesday, September 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha Wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Biyaha iyo Tamarta, Kallaameysiga iyo Khayraadka Badda  iyo xarunta Warbaahinta Qaranka.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawllaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada.

Xarumaha Warbaahinta Qaranka oo kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariirta  wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowlada iyo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda Wasaardaha, waxuna faray in gacana loogu adeego shacabka, gacana doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...