Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayay Muqdisho.
Mr. Rooble oo ka hadlayay shirka banbaxa golaha wasiirrada ee maanta ka bilowday Muqdisho, ayaa faray wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





