Thursday, June 4, 2026
26.4 C
Mogadishu

RW Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Hanti-dhowraha Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Hanti Dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso.

Mudane Saalax  ayaa uga mahad celiyey Hanti dhowrihii hore sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Hanti-dhowraha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...