27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Wasaaradda Qorsheynta oo u diyaar garoobeysa Diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa Axaddii maanta shir gudoomiyay shirka bilaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiru- Dowlaha, Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle, Agaasimaha Guud, Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasime Waaxeedyadda, La-taliyayaal Sare iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda.

Qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaa ka mid ah: Diyaar garowga Wasaaradda ee ku saabsan diyaarinta Qorshaha Dayn Cafinta Kadib (Post HIPC Plan) iyo dardargelinta dib u eegista xiliga dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay diyaar garowga ku aadan shirka lagu soo bandhigaayo warbixin-sanadeedka horumarinta,mashaariicda dalka iyo qabashada shirka xaalka waara ee heer qaran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...