27.7 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, ayaa Axaddii maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda, ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo Wasiiru Dowlaha Mudane Axmed Cismaan Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo Wasaaradda

Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada Wasaaradda iyo heshiisyadii ay lasoo galeen wadamada uu la kulmay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...