Tuesday, October 28, 2025
25.4 C
Mogadishu

Ruushka oo war ka soo saaray Gantaalkii ku dhacay dalka Poland

Poland (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Morawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan kaddib markii gantaal lagu sameeyay Ruushka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xadka Ukraine.

Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheegtay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in aysan dhici karin” in gantaalkii ay ku dhinteen labada qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka.

HalQaran News Desk, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...