Abu Dhabi(Halqaran.com) –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa manta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress). Shirkan waxaa si rasmi ah u furya R’’iisul Wasaare Ku Xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada.
Ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta , fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta , in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan.
Halqarannews@gmail.com