Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billawday G/Shabeellaha Dhexe

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Dadka deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa billaabay abaabulka inay qeyb ka noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya gobolkaas.

Dadkan is abaabulay ayaa waxaa la kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo waxgaradka deegaanka waxaana ay kula dardaarmeen in la dardargaliyo howlgallada deegaanadda Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab.

Deegaanadda la rabo in ciidankaan ay ka saaraan Al-Shabaab ayaa kala ah Alkowthar, Aadan yabaal, Ceel dheere, Ceel baraf, Caadleey, Cali Fool dheere, Ciid ciidka, Calaag mahaday, Maguurto iyo Quraac Madoobe.

Deegaanka Miirtaqwo ee maanta lagu soo bandhigay ciidamada degaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab ayaa waxaa u dow degaanka Ceelbaraf oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...