Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen dar-dargelinta howlaha doorashooyinka, turxaanbixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
kulanka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah, dardar-gelinta howlaha doorashooyinka Iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda.
Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, si dhowna looga wada shaqeeyo arrimaha u baahan kala caddeeynta.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharraxiinta uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, isagoo xusay in wajiga labaad la bilaabi doono goordhaw, waxaana uu kulanka ku soo idlaaday jawi is afgarad leh.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





