Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Gantaallo lagu weeraray Garoonka Kabul iyo Wararkii ugu dambeeyay

Kabul (Halqaran.com) – Dhowr gantaal ayaa maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kabul, ka dib markii shalay uu Mareykanku fashiliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo ku qarxay meel ku dhow garoonkaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad drone ahi ay gantaal ku dhufatay gaarigaasi, oo Daacish ay damacsaneyd inay ku weerarto Madaarka Caalamiga ah ee Kabul.

Mareykanka ayaa sheegay in qalabkooda ka hortagga gantaalada ay maanta qabteen dhowr ka mida gantaaladii lagu weeraray Garoonka Kabul.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay inaanan la hakin geba-gabada hawlgalka daad-gureynta ee garoonkaasi ka socdo.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkayn gantaalo laga soo riday gaari yiilay waddada dhinaceeda.

Mid ka mida gantaalada ayaa ku dhacay bannaanka hore dhisme ku dhow garoonka, iyadoona uu ku gubtay gaari horyiilay dhismahaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay inaanay jirin waxyeelo ciidamadooda ka soo gaartay gantaladaasi.

Weerarka gantaalada loo adeegsaya ayaa imaanaya, xilli Mareykanka uu ka digay weerar hor leh, oo ay gaysan karaan Daacishta Khorasan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...