Sunday, April 19, 2026
30.3 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu wadahal miro dhal ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlange..

Mr. Rooble ayaa waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen Safiir Nicolas Berlange arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga Midowga Yurub ee horumarinta Soomaaliya iyo horey u socodka ammaanka iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay, in Midowga Yurub uu dalkeena u yahay saaxiib iyo gacan siiye muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiillada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...