Sunday, April 19, 2026
30.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay maalinta Calanka Soomaaliyeed, kuna baaqay ….

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...