Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘Laftagareen’ oo ka qeybgalay Shir muhiim ah oo ka furmay Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyadda ee XF Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Baydhabo u tegay ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga hadlaayo arrimaha abaaraha.

Kulankan wadatashiga ah ayaa ku saabsan mudnaansiinta baahiyaha, u adkaysiga iyo soo kabashada, kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale mashruuca ayaa waa uu ku saabsan yahay fulintiisa qeybaha koowaad ee mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee ay nasiibka u yeesheen in laga fuliyo maamul Goboleedyada Koonfur-galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle.

Waxaa kale mashruucan la xariira ka jawaabida qiimeeyn horay looga sameeyay, saameeynta Abaaraha, fatahaadaha Ayaxa iyo Cudurka Safmarka ee COVID 19 ee dalka ku habsaday.

Ugu dambeyn, mashruucan ayaa ah deeq Maaliyadeed oo Baanka Adduunka ku taageeray dowladda Soomaaliya taasi oo gaarayso $137.5M laguna fulinayo waxyaabo badan oo kale duwan sida;

  • Kasoo kabashada daadadka iyo soo celinta adeegyada asaasiga.
  • Dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyada iyo kaabidda hab-nololeedyada ay saameeyeen fatahaadaha.
  • U Diyaargaroowga xasaradaha ee muddada fog,
  • Ka jawaabidda musiibooyinka Dabiiciga ah ee sida deg-dega bulshada u saameeya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...