Saturday, June 6, 2026
26.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Xannaanada Carruurta Agoonta Booliska +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Xarunta Xannaanada Carruurta Agoonta ee Booliska, halkaas oo uu waqti kula qaatay carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed.

Eng. Rooble oo mid mid u gacan qaaday agoonta   ku nool xarunta, lana qadeeyey ayaa ka waraystay xaalkoodu, daryeelka iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo is garab istaag, isla markaana ay dowladdu mar walba diyaar u tahay sidii ay caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Waxaan mar walba u taagannahay gacan siinta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay kaalintooda maamulka gacanta ku haya xarunta agoonta Booliska Soomaaliyeed, waxuna kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan barbaarinta iyo waxbarashada agoonta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...