Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Dowladda Mareykanka oo ka digtay ‘Doorasho hal dhinac ah’ inay ka dhacdo Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka fiirsato qabashada doorasho hal dhinac ah oo dhalin karto muran iyo qalalaase Siyaasadeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa looga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka digtay gacan ka hadal.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaahsii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekeh Aadan iyo siyaasiyiin kale.

Dawladda Dederaalka, maamul goboleedyada qaarkood iyo musharrixiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan guddiyada doorashada Federaalka, kan Somaliland iyo weliba sida doorashadu uga dhacayso gobolka Gedo.

Si kastaba, Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu doonayo in laga gaaro heshiis khilaafka ka jira doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...