Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka hadlay Xaaladda ka jira Itoobiya ‘Waa dambi weyn dilkii fanaan Hachalu‘

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shacabka Itoobiya ugu baaqay in xasilooni ay muujinayaan isla markaana ciidammada ay kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

Abiy Axmed ayaa waxaa uu ku tilmaamay dilka fanaanka Hachalu Hundessa dambi weyn.

“Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbeddallada haatan ka socda dalka, hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu, balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya” ayuu yiri RW Abiy Axmed.

Wuxuu kaloo yiri Abiy Axmed, “Waxay doonayeen inay kiciyaan shacabka markii ay dileen Hachalu, si ay u kiciyaan dareenka shacabka oo ay dhexdooda u dagaallamaan”

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabaddii lagu aasaayay fanaanka xilli halkaas ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka Hachalu.

Hachalu Hundessa

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaabo kasta oo looga hortagayo rabshadaha haatan hareeyay dalkaas.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay, “Dadka cadawga ku ah isbaddallada haatan ka socda dalka waxay doonayaan inay wiiqaan awoodda dalka, si kastaba, dhaqdhaqaaqooda ma guuleysan doono”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...